Tuesday, January 16, 2018

Alla ma iyadiibaa . Alla ma isagiibaa. Qaybtii 2aad


Qaybtii 2aad 

Ahmed iyo aabbihii markiiba way ka soo dhaqaajiyeen tukaankii iyaga oo u soo dhaqaaqay xagii maqaayad uu marmar fadhiisto marka uu magaalada Hargaysa yimaado,aadna looga yaqaan isna uu jecelyahay oo uu ka cuno Beer si fiican loo shiilay oo aad u macaan.

Intay dhexda ku soo socdeen Ahmed iyo aabihii , ayuu odaygii wiilkiisii ku yiri waxan arkaa in aad aad u jeceshahay carruurta in aad la ciyaarto, lana soco caruurtan iyo caruurtii miyigu way kala duwan yihiin, ee aabbo ha la ciyaarin caruur walba.Ahmed oo isna aabihii aad u dhagaystay ayaa ku jawaabay haye aabbo lama ciyaarayo caruur walba ee waxan la cayaarayaa kuwa wanaagsan. Odaygii ayaa markiiba hadana waxa uu u sheegay Ahmed in marka ay qadeeyaan ay tagi doonaan xaafadii abtigii si uu u soo arko abtigii oo uunan baryan arag inkasta oo uu maqlay in Ahmed abtigii uu dhoofitaan hadal hayay xaga Jabuuti isaga iyo reerkiisii.

Hadaba si kastaba ha ahaatee isagoo sheekadii sidii u wada ayay waxay soo gaareen maqaayadii.

Makhaayadu waxay lahayd laba albaab. mid xaga hore laga soo galo oo aad u buuq badnayd  dad aad u kala du wanina fadhiyaan,waxay lahayd ilaa shan iyo labaatan kursi oo dhamaantood la fadhiyay maadaamaa ay xiligii qadada ahayd. Dadkuna waxay u kala baxsanaayeen qaar isla cunaya iyo qaar gooni gooni wax u cunaya ,dhamaantoodna gacmaha ayay wax ku cunayeen, iyaga oo faraxsan qoslaya  qaylinaya  ayay intoodabadani wax cunayeen.

Markiiba  Ahmed iyo Abbihii waxay u gudbeen albaabkii kale ood moodo in uu ka nadiifsanaa kii hore kana buuq yar yahay,waxayna u badnaayeen dadka fadhiyay Rag iyo Dumar  oo sidoo kale qaar isla cunayay qaarna gooni gooni wax u cunayay.

Ahmed oo aad u yaaban waligiina arag Rag iyo Dumar wax isla cunaya ayaa aabihii uu gacanta si fiican u qabsaday,odaygii ayaa isla markii isna waxa uu helay  kuraas madhan oon cidina fadhin aya si dhaqsa ah waxa uu ugu fadhiisteen kuraastii..

Ahmed aabbihii ayaa ku yiri wiilkiisii aabo gacmaha ayaan soo maydhanaaye noo sii ilaali kursigan oo  cidii ku waydiisa waxa tiraahdaa waa la fadhiyaa ,aniguna aan sii saaro cumaamadane.Ahmed oo kayara baqaya fadhiga kaligii ayuu aabihii ugu jawaabay haye aabbo.Intii uu odaygu ku maqnaa gacmo maydhashada ayuu Ahmed isku dayay in uu hareerihiisa ama geesihiisa eego bal dadka fadhiya,waxa uu markiiba u jeestay dhiniciisa midig isga oo is ka dhigaya si qof wax kale eegaya ayuu markiiba waxa uu arkay laba Nin iyo laba Dumar,isla markii wuu ka soo jeestay.hadana waxa uu isku dayay in uu dhinicii kale u jeesto,yaab, waxa uu ku arkay dad uu waligii arag, oo ka duwan  dadkii uu yaqaanay, lana mid ahayn dadkii Somalida ahaa, waxa uu layabay jirkooda, indhahooda, timahooda.

Waxa uu isku dayay in uu ka soo jeesto ,hasa ahaatee, Ahmed wuu ka jeesan kari waayay oo waxa uu- u eegayay si uunan waligii wax u eegin,jirkoodan cad,timahoodan cad,indhahan midabka- kale leh iyo iyagoo sikale wax u cunaya, fandhaal?.



Hadaba Ahmed isaga oo sidii u eegaya nimankii caddaa,ayaa aabihii ka soo noqday suuligii ama musqushii ,kuna yiri ahmed oradoo aabbo adna soo faraxalo ,si aanu wax u cuno.

Lakiin Ahmed marnaba ma maqlayn ama ma arkayn goorta uu odaygii soo noqday.

Marlabaad ayuu oddaygii ku celayay. Aabbo,miyaadan i maqlayn adiga ayaan kula hadlayaa oradoo soo faraxalo. Ahmed oo hadalkii ku sasay ayaa markiiba booday isaga oo hadalna ku siidaraya ,aabbo waan ka xumahay kuma maqlayn waxan eegayay dadkan cad cad ama sida kale u eg.Odaygii oo markiiba fahmay boodida wiilkiisii yaraa gartayna in uunan arag Gaaladan cad cad,ayaa ku yiri wiilkiisii ,aabo hadhow ayaan kaaga sheekayndoonaa ee oradoo soo faraxalo.

Isla markiiba Ahmed wuu soo faraxashay kuna soo noqday kursigiisii isaga oo dhinacna ka eegaya nimankii ayaa aabihii ku yiri aabo maxaad cunaysaa,odaygii oon hadalkii kala jarin ayaa yiri anigu Beer ayaan cunayaa waxayna hayaan beer macaan,ee adigu maxad cunaysaa.

Ahmed oon waligii la siin waqti lagu yiraa maxaad cunaysaa,waxa la cuno oo uu miyiga ku haystayna waxay ahayd ,cad iyo caano iyo bariis. Lakiin maanta waxa uu maqlayaa  arimo kale oo uunan waligii maqli jirin ,maxaad cunaysaaaaaaaa.

Hadaba isga oo wali siduii iska-ga  aamusan ayaa aabihii ku yiri waxan kuu dalbayaa bariis iyo hilbo yar yar oon laf lahayn,marka aad dhamaysana xab-xab  ama (qare) ayaad iskaga dajin doontaa.Ahmed oo sugi la waxa loo dalbayo ayaa markiiba u jawaabay aabihii kuna yiri waayahay aabbo.

                         Odaygii markiiba cuntadii ayuu dalbay isaga oo kor u qaylinaya si loo maqlo maadaamaa ay meeshu buuq ahayd, oo cidii kor u qaylisaa ay cuntadooda helayso,isgoo leh waar saxan bariis ah iyo hilib laf-lahayn ka soo tuur ,anigana intaad igu taqiineen beerkaygii iyo koobkaygii maraqa ahaa ks soo tuur adeer.ayuu odaygii hadalkii ku soo gaba gabeeyay.

Intii uu hadaba dalabkii u maqnaa ayaa odaygii uu uga sheekeeyay Ahmed in ay dunidani dadbadan oo kala duwani ku noolyihiin sida qaar madoow qaar maariin ah qaar cad cad sida kuwan ka soo hor jeeda oo kale .markiiba odaygu waxa uu ku yiri wiilkiisii aabo aniguba wax badan kuma dhaamo,oo meelna Hargaysa uma dhaafin,waxa jira dadbadan oonan wali arag,maqal mooyee ayuu wiilkiisii ku yiri.

Intii uu Odaygu sheekada waday, waxa uu aad u dareemay, dhibaatada iyo qasaaraha ka haysata dadkiisa xaga wax barashada ,iyo reerka uu ka yimid oo u badan miyiga oon jirin cid magaalo u joogta iyo waliba sida uunan u awoodin in uu Ahmed school ku daro,maxaa yeelay waa wiilka kaliya ee uu haysto ,loogana baahanyahay Ahmed guriga iyo dhinac walba iyo waliba raacitaanka xoolaha sida ariga iyo marka uu waynaado geela.



Ahmed iyo aabbihii oo sidii u sheekaysanaya odaygiina yara qashuucsan yahay kana xunyahay wax barasho la aanta Ahmed ,ayaa waxa la horkeenay cuntadii.

Waxay ahayd cunto aad u udgoon bariis ladalacay laguna dalacay basal iyo toon caano xiirana lagu qamiiriyay,hilib yar yar oo jilicsana kor loogu daadiyay,iyo waliba sabiib ,waxa kale oo ka soo carfaya qorfo iyo hayl. Odaygiina waxa loo keenay beerkiisii uu yaqaanay oo waliba yaanyo yar oo lashiiday lagu yara gubay si uu isku yara qabsado beerku, udgoon farabadana lagu daadiyay dushiisa. Markiiba Ahmed iyo aabihii waxay cuntadii la galeen gacantii iyaga oo sugi la inta ay afka galinayaan macaan daraadiid iyo waliba udgoon ama caraf wanaagsana ka soo qumqumayso,cid cid eegaysaana jirin ayay ku dhameeyeen cuntadii.Markiiba hadana waxa hor yaalay cabitaan aad u qabow oo markaa talaagada laga soo saaray oo ahayd xab-xab ama( qare) iyo liin macaan oo la isku dul shiiday, ayay isla markiiba qudhqudhiyeen .

Ahmed aabihii markuu galaaskii ugu danbeeyay laacay ayuu  xaga sare intuu eegay duceeyay oo yiri Ilaahii nasiiyoow noo siyaadi,Ahmed ooo indhihiisu farxad ka muuqato ayaa isna ka daba jiidiyay aabbihii oo yiri Amiin.

Durtadiiba Ahmed iyo aabihii waxay ka kaceen kuraastii,waxayna u dhaqaajiyeen dhinicee faraxalka si ay u soo faraxashaan.





Mar- ala markay faraxalkoodii dhamaysteen,oy lacagtiina bixiyeen ayuu Odaygii ku yiri wiilkiisii,sidaan hore kuugu sheegayba waxan kuu gaynayaa oon soo salaamaynaa Abtigaa Abokor iyo caruurtiisii. Caawana halkaas ayaad seexanaysaa,isaga oo oadaygii wali hadalkii kala joojin ayuu yiri aniguna waxan soo iibin doonaa,cuntadii iyo dharkaagii Iida,maxaa yeelay waqti mahayno oo saadambe waa-nu noqonaynaa haduu ilaahay yiraa ayuu odaygii hadalkiisii ku so gaba gabeeyay.

Ahmed oo isna aad u faraxsan oo sugi la, aragtida Abtigii iyo caruurtiisa ayaa aabbihii gacanta si fiican u qabsaday iyaga oo u sii dhaqaajiyay xagii Basaska laga raacayay oon ka fogayn..Hadaba inkastooy qoraxdu aad u ku lullayd buuquna aad u sii badanayay oo ay dadku wada sugayaan Basaskii xaafadahooda gaynlahaa,ayuu Ahmed waxa uu layaabay buuqan dadka ,nin walbana gunti yar wax ugu laabanyihiin (Qaad)oo ay isku diyaarinayaan qayilaadii galabta, ayuu Ahmed indhaha la meermeeray isaga oon kala joojinayn,ayaa waxa soo dul is taagay Buskii ay raaci lahaayeen.

Basku waxa uu ahaa bas u socda xaafada Idaacada dusheeda oo uu daganaa  Abdigii Abokor .

Basku waxa uu qadi-karay oo kaliya 26 qofood hase yeeshee waxa koray 49 qof,meeshuna waxay ahayd meel aad u kulul oo waliba Matoorkii gaariga iyo kuleelkiisiiba uu dadka rakaabka dib ugu soo noqonayay ,hawo aad u kululina ka soo baxaysay.Mar ala markkii uu Baskii xoogaa socday ayay dadkii isku wada dhidideen,oo ay qaar qaylinayaan oo ay leeyihiin war miyaa cidina dagayn. Hase yeeshee Ahmed waxasi u may muuqan waxa uu ka sii qaaday farxad,waxana uu ka helayay buuqan oo uunan waligii arag,waxa uuna daawanayay dacalada iyo guryahan is daba taxan,ee uu midba- mid- ka- kale  haysto.

Waxay socdaanba waxa la soo gaaray meeshii ay ku dagi lahaayeen,isla markiiba odaygii ayaa karishbooygii ku qayliyay oo yiri waar salcadaa noojooji isga oon qayladii kala joojinayn,waxana uu ka baqayay in uu dhaafiyo meeshuu doonayay.karishbooygii markiiba isna waxa uu lahadlay darawalkii isga oo u foorinayay waana astaan ay isku gartaan isga iyo darawalka gaariga wada ,ayuu isna waxyar kadib istaagay.





Odaygii isna wiilkiisii ayuu markiiba gacanta soo qabsaday oo ay ka boodeen garigii,isaga oo waliba la sii hadlaya wiilkiisii yaraa ayuu yiri Abtigaa halkan kama foga oo waliba waxan jeclahay in uu galo Daartaa noo muuqata ayuu wiilkiisii ku yiri.

Ahmed oo farxadii ku sii badatay daarna waligii hoos fariisan ayuu aabbhiis ku yiri aabbo matan?maya aabo markaan labadan dhaafno waa taa cadd ee albaabka cas leh, ayuu isna ugu jawaabay. Waxay soo socdaanba waxa la soo gaaray gurigii Ahmed abtigiis ee Abokor, isla markiiba waxa garaacay odaygii,Ahmedna xaga danbe ayuu aabihii ka galay isaga oo xishoonaya marna faraxsan,lama furin,  hadana wuu ku celiyay ,lama furin hadana .

Odaygii oo isla hadlaya dhinacna ka garaacaya ayaa yiri tolow xageey qabteen, waaba duhure.

Ayaa waxa ka furay islaan iyo gabar yar, oo tiri ala waa Sulub?-

Markiiba islaantii ayaa tiri waan tukanayay ee hooyo soo dhaafa iyada oo si wanaagsana u bariidinaysa ama u salaamaysa ayay ku sii dartay Abokor iyo ciyaalkiina waxay qabteen Jbuuti ee soo dhaafa

Odaygii oon isna iska dhigayn marti ayaa yiri waan dhownahay hooyo,wax kale ma jirine waan idin bariidinay-nay,oo waxan is iri,mar hadad magaalada timid ha dhaafin reerka, waxaan kale oon  idin soo marsiiyay wiil kaygii Ahmed ayuu odaygii ku sii daray.

Islaanta oon arkayn wiilka aya tiri oo mee hooyo? Amed oo yara xishoonaya oo indhaha taagaya aqalkana doonaya in uu daawado ayaa u yimid ayaydii.

Islaantu waxay dhashay Abokor.Ahmed abdigii,waa islaan aad u caafimaad qabta xaga in dhaha mooyaane. Indhaha ayay wax badan wax u ga arag ,lakiin waxa la joogta gabar yar oo  ay ayeeyo u tahay oo ay miyi ka soo kaxaysatay,aadna u caawisa ayaydeed.



Ahmed markuu ayaydii salaamay,waxa uu u kuuro galay aqalkii,waxa uuna la yaabay Geed wayn oo guriga ku dhex yaalay ,waxa uuna jeclaystay in uu fuulo ama korka ka koro si uu ugu ciyaaro, lakiin waxa uu ahaa wiil aad u xishooda oon jeclayn in ay dadku dhib sadaan.hadaba isga oo sidii ula yaaban ayuu waxa uu arkay qol banaan oo ay gabartii yarayd ku jirto si uu iyadana u salaamo.Gabadhu waxa ay ahayd 9 jir miyigana ku soo kortay  waxayna u muuqatay qof aad u dagan. Hadaba  Ahmed oo doonaya in uu wax waydiiyo ayaa hadana waxa uu layaabay sawiro guriga ku dul dhagan  oo u badan ,dadkii uu ku soo arkay maanta maqaayadii ay ka qadaynayeen,oo ahaa dad cad cad..Sawiradu waxay ahaayeen Ahmed abtigii Abokor iyo askartii ingriiska oo uu kahaa( Pooliis) qaybta Hargaysa.

Waxa uu hadana Ahmed layaabay ubaxyo meel saaran,kuraas lagu fariisto,Sariiro kala duwan,miissas i.w.m. isaga oo hadaba doonaya in uu gabartan yar waydiiyo su-alo yar yar-yar auu aabbhii la hadlay oo yiri ,aabbo wanu tagaynaa ee ina mari,waanan soo noqon doonaa haduu alla-yiraahde.Markiiba Ahmed qolkii ayuu ka soo baxay isaga oon wali la hadlin gabadhii yarayd ayuu aabbhii gacanta qabsaday. Islaantii oo iyana sii maca salamaynaysa ayaa tiri waanu ka xunahay maqnaanshaha reerkiiye ee nagu soo noqda marka uu soo laabto Abokor. Odaygii ayaa isna markiiba hadalkii ka qabsaday oo yiri bari uun baanu joognaa ,Iiidiina way soo dhawdahay ,aniguna waxaan doonayaa in aan alaabo yaryar reerkii u soo iibiyo  oo waqtiga ayaa nagu yar,lakiin insha-alla,waanu soo noqon doonaa ee nagu salaama dhamaan reerka.islaantii oo markale sii salaamaysa ayaa tiri Malaa-igtu ha idin soo salaamto ee nabadgalyo.

Ahmed oo doonayay ama rabay in uu guriga sii joogo ayaa aabihii ku yiri, aabo xageen tagaynaa soow digii yiri guriga abtigay ayaan joogayaa caawa?.Odaygii ayaa isla markii u jawaabay oo yiri,aabbo caruurtii aad la ciyaarilahayd way ka maqanyihiin guriga abtigaana ma joogo,ee waxaan kuugeynayaa ,saxiixiibkay Mulac ood la sii joogayso maanta iyo bari haduu ilaahay yiraa,isagoo hadalkii sii wadana waxa uu yiri, waana caruur aad u wanaagsan oo aad wax badan ka baranayso. Ahmed oo hadalkii aabihii aad uga helay sugina karin tagitaanka guriga adeerkiis Mulac ayaa yiri waayahay aabo ee inoo gee.



Hadaba Ahmed iyo aabihii markiiba waxay soo gaareen meeshii uu Basku istaagayay oon ka fogayn. Waxay sugaanba waxa yimid Baskii oo aan aad u buuxin, dad aad u tiro yarna saaran yihiin, maxaa yeelay waa waqtigii qadada oo, cid magaalada ka imanaysa mooyee aanay jirin cid magaalada tagaysa.

Baska waxa saarnaa sadex qof, marka laga reebo darawalka iyo kirishbooyga ,Ahmedna waxa uu eeg eegtay meesha ugu wanaagsan ee uu ka daawankaro socodka Baska iyo guryahan isku taxan .odaygiina waxa uu iska fariistay darawalka dhiniciisa si uu ula yara sheekaysto,maadaamaa aynan dadbadani saarnayn baska. Hadaba markii la soo gaaray meeshuu basku ku dhamaanayay ayuu odaygu ku yiri wiilkiisii aabo waxanu soo gaarnay meeshii aan ku dagi lahayn ee nasoo daji, si waliba aan baskaaa kale u raacno ayuu odaygu hadalkii ku sii daray. Ahmed oo isna moodo Waxar laga furay xarig ku xirnaa ayaa ka booday Baskii,markiibana aabbihii gacanta qabsaday iyaga oo ku sii jeeda Bas kii kale .

Basku isna waxa uu ahaa sidii kii ay soo raceen oo kale in kastuu ka yara nadiifsanaa  oo waliba aan lahayn buuqbadan sidii kii hore oo kale.

Basku waxa uu u socday xafadii?  Oo uu daganaa odaygii Mulac.





Mulac waxa uu ku soo koray Cadan, waxa uuna ahaa nin aad u dagan.

Waxa kale oo uu ahaa oday aad wax u bartay,shaqo fara badana ka soo shaqeeyay sida Karaani-Macalin- Trjubaan-

Waxa kale oo uu marar badan yimid Engalnd oo uu ka faa iidaystay wax yaalo farabadan oo dhaqanka ingriiska ah , isaga oon waliba ka tagin dhaqankiisii hooyo.

Waxa kale oo uu Mulac aad u jeclaa caruurta iyo dadka wax barta iyo waliba isga oo dhaqaalayn jiray dadka aad u waawayn een waxba haysan.

Waxa kale oo uu Mulac aad u ixtiraami jiray Xaaskiisa oo la oran jiray Cambaro,oo iyaduna aad u qiimayn jirtay una dhaqaalayn jirtay odaygeeda. Mulac waxad moodaysay hadaba in uu si uga duwanaa,odayaasha kale ee Somaliyeed ee waqtigii hore ama waqtigii danbaba noolaa.

Waxad moodaysay in uu haysto dhaqan Ingriis, hasae yeeshee aanan dhaqanjiisana ka tagin.

Inkasta oo uu Mulac ku soo koray Yemen hadana waxa uu aad u jeclaa Gabayada iyo Heesaha Somalida gaar ahaan kuwii wadaniga ahaa ee markaas la qaadi jiray.



Hadaba ,waxa uu Baskii is ka soo luudaba waxa la soo gaaray xaafadii uu daganaa,saxiibkii-Mulac oon ka fogayn meesha Baska looga dagayay,ayuu Ahmed yare aabhii ku yiri aabbo ma halkan ayaan caawa seexanaynaa? Isla markii Ahmed aabbihii ayaa u jawaabay oo yiri,hadduu alla yiraa halkan ayaan seexanaynnaa aabbo,isga oo waliba odaygii hadalkii sii wada ayuu hadana yiri,lakiin anigu hada waan kaa tagayaa oo sidii aan horeba kuugu soo sheegay waxan soo iibin doonaa allaabtii oo idil adigana dharkii Iidda ayaan kuu soo iibin doonaa ee iskala ciyaar caruurtaada. Ahmed oo aad u faraxsan ayaa aabbihii marlabaad ku yiri waayahay aabbo,waan la sii joogayaa .Intii uu Ahmed hadalkii waday ayay waxay soo dul istaageen gurigii Xaji-Mulac oo runtii ay aad ula yabeen markay albabkii soo dul istaageen nadiifta ka muuqata iyo sida aan wasakh yari uga muuqan banaanka guriga.

Markiiba Ahmed aabbhii waxa uu garaacay gurigii isga oo labada dhinacna eegaya iyo sida loo qurxiyay,loogana shaqeeyay isga oo isla sii hadlaya odaygii ?? ayaa waxa albabkii furay wiil dhalin yaro ah oo Mulac uga shaqeeya tukaanka mar mar.Markiiba waxay isgarteen Ahmed aabbhii oo uu ku bartay tukaanka ,markay ismacasalaameeyeen ayuu odaygii Ahmed aabbhii waydiiyay in uu Mulac joogo, markiiba wiilkii waxa uu u sheegay in ay yara baxeen isaga iyo caruurtii ,waxana uu u kaxeeyay suuqa caruurtiisii,lakiin waxa joogta Hooyo Cambaro ayuu hadalkii ku sii daray wiilkii yaraa.

Cambaro oo salaanta maqlaysay ayaa markiiba soo yara baxday, iyaduna oo bariidisay  ama salaantay odaygii iyo wiilkiisii,waxayna tiri ,Mulac ayaa noo kaasheegay in aad timid wiilkaagiina uu  kula socdo, alla maansha allaa waaryee hooyo sowdigan waynaaday ayay hadalkii ku sii dartay iyada oo doonaysa in ay soo dhawayso Ahmed.

Ahmed oo ay ka yara muuqato xishood ayaa isna iska dhoolo cadeeyay,markiiba islaanta ayaa ka dhex gashay oo tiri soo dhaafa aan shaah idiin kariyee,dhowaanna way iman doonaan Mulac iyo caruurtiibee,iyadoon waliba hadalkii kala joojin ayay hadana ku sii dartay, saadanbaa Iiidoo caruurtii ayuu dhar iida u doonayoo caruurtiina wuu sii kaxaystay.

Ahmed aabbhii oon jeclaysan in guriga Mulac ka maqanyahay ayaa ku yiri islaantii ,baritaan doonayaa in aanu noqonno,wax yaalo badana yaa iga dhiman ,ee Ahmed ha idinla sii joogo aniguna waan idiin soo noqon doonnaa hadhow haduu ilaahay yiraa oo waliba bariiskii reerka iyo xooggaa lacag ah oon nimankii Geela ku lahaa ayaan doonayaa bal in aan iyagana radiyo u malayn  maayo in wax laga helayo inkaar ayaa ku dhacday ku waase.
Filo Qaybta 3xaad

Friday, January 12, 2018

Ala Ma iyadiibaa. Koritaankii Hargeisa. Ku Garaadkii Muqdisho. Jacaylkii i seegay.


Alla Ma iyadiibaa –Alla  ma isagiibaa ( Sheeko taxano ah)



BY MAHAD TURBASHAASH



Ahmed waxa uu ku dhashay tuulo la yiraa Qoolcaday oo Hargaysa u jirta 10km maalin ay qoraxdu soo jeedo oo dharaar cad ah. Sannadkii 1960.

Waxa uu Ahmed ku barbaaray Tuuladaa oo uu ariga ku raacijiray.

Ahmed  waalidkii aad ayay faqri u ahaayeen hase yeeshee cunto xumo ma jirin, oo bariiska cad iyo caanaha waa uu heli jiray.

Nasiib daro sannadku markuu ahaa 1964 ayaa ahmed hooyadii dhimatay isaga oon caruu kale la dhalan . Runtii ahmed hooyadii aad ayay u daryeeli jirtay inkastoo wax badan oo la siiyaa jirin haddana xagga raxmada hooyanimadu iyo dulqaad badan ayay tusi jirtay.



Sida  caadadu tahay markiiba waxa  ahmed aabbihii la siiyay oo lagu daray gabar kale oo tolka-ah, si ay uga war hayso reerkaas ,sida aanu oggnahay reer miyigu haddii uusan dumar ku xirnayn reer miyi ma noqon karaan  ama way ku adkaanaysaa.dumarku waxa ay ka war hayaan reerka oo idil

.Ahmed waxa uu markiiba helay hooyo cusub oo uu ka filayey in ay buuxiso booskii hooyadii.inkastoo ahmed uu afar jir ahaa haddana waa uu fahmay in ay hooyadii dhimatay ama ka maqantahay guriga.

Haddaba si kasta xaaladdu ha ahaatee ahmed waxa uu soo maray jiilaal xun , daryeel xumo hooyo la,aan, iyo walal la aan

..

Nasiib wanaag sannadku markuu ahaa 1966 oo laba sanno ka soo wareegtay dhimashadii hooyadii,ayaa aabihii yiri waxan kuu kaxaynayaa Hargaysa, waxaana ka soo iibin doonaa bariis iyo sokor dharna waan kaaga soo iibin,waa markii ugu horreysay ee uu ahmed aabbihiis kaxeeyo,siday caadadudu inoo tahayba  aabayaasha soomalidu marnaba ma kaxayn jirin caruurtooda kamana war hayn jirin in ay wax cuneen iyo in kale iyo waliba in ay xanuunsanyihiinba,lakiin wax yaalo badan oo xaga dibada ah ayay qaban jireen oon la soo koob karin………

Hadabba  Ahmed markii loo sheegay in uu hargaysa tagayo runtii aad iyo aad ayuu u farxay galabtii oo dhana waxa uu ku heesayay hargaysaan tagayaa waxa uuna heestaa ku raacayay naylaha iyo waxarada yar-yar isaga oo is maqa shiinaya wax alla wixii meesha ka dhow oo idil, gaar ahaan caruurta oo uu  doonayo in uu ugu faano ama uu u sheego in bari Hargaysa loo kaxaynayo.



Hadaba markii uu naylihii yar yaraa soo xareeyay oo uu wax yay yar iska cunay ayaa loo sheegay in uu dhaqso u seexdo si bari dhaqso uu u kaco,oo ay gaariga ugu horeeya u -raacaan,hase yeeshee ahmed habeenkii oo dhan ma seexan oo waxa uu ka fikirayay hargaysa sida ay u egtahay iyo dharka aabihii u soo iibin doono.

Hadaba saacadu markay ahayd shantii subaxnimo oo uu roob yar yari da,ayo, hawaduna aad u fiicnayd ayuu ahmed aabbihii hurdadii ka kacay si uu u sii tukado( jicsinkii) wadadana u sii qaato ama cuntadii uu jidka kusii cunayeen oo mar hore xaaskiisii u sii diyaarisay.

Odaygii markii uu salaadii tukaday ayuu wuxuu kiciyay wiil kiisii yaraa oon wali si fiicanba u seeexan, waxa uuna yiri aabbo mar dhow waynu baxaynaa.

Ahmed oon si fiican u seexan ayaa markiiba booday oo yiri waayahay aabbo.

Ahmed waxa uu ahaa wiil aad u dhaga nugul oo aabbihii maqla mar walba, hadalna kuma soo celin waligiis.



Hadaba saacadu markay ahay lixdii subaxnimo ayay laba doodiiba ka baxeen gurigii si ay dhaqso u tagaan meeshii uu baabuurku istaagayay,maadaamaa baryahan roobadani da ay oo wadadu xun tahay.Waxa kale oo uu ahmed aabihii sii diyaar saday saacad uu lahaa oo Yaman  nin ay ilma adeer yihiin uga soo diray. Si uu uga eegto waqtiga  iyo waliba salaada .

Si kastaba xaalddu ha ahaatee waxay soo gareen meeshii uu gaarigu imaanayey iyga oo yara daalay maadaamaa ay soo socdeen ilaa saacad,haddana gaar ahaan ahmed aad ayuu u farax sanaa,mana sugi karin tagi taanka Hargaysa,oo ah markii ugu horreysey.



Waxay iska sugaanba ,waxa meel dheer ka soo iftiimay siigadii ama boodhkii gaariga oo uu markiiba ahmed aabbihii dareemayoo uu ku yiri wiilkiisii- yaraa, gaarigii baa soo dhawaaday ee soo kaadi ahmadow ,Ahmed oo aad u farxay ayaa yiri aabbo tunka igu qaad oo itus Gaariga ,Ahmed aabbihii markiiba wuu ka yeelay oo uu ku qaaday tunka ,Ahmed oo aad u ilka caddeynaya  oo wajigiisu farxad iyo reyn-reyn aan la soo koobi karin ay ka muuqato ayaa  ku hadaaqay aabbo waa runtaa siigada eeg iyo boodhka eeg waan arkaa  isaga oo waliba hal gacana kor u taagaya  jirkiisa kalena wada ruxmayo farxad awgeed,odaygii ayaa markiiba ka dhex galay heesihiisii oo ku heeseyey markaas,Aabbo soo dag haddaba  oo soo kaadi gaarigu markale ma is taagayo.ahmed ayaa markiiba ka booday aabbihii kuna cararay  kayn ka soo horjeeday si uu u soo kaadiyo iyo haddii ay wax kale hayaan.



Gaarigii ayaa marba marka ka dambeysa soo dhawaanayay,Ahmedna markiiba innta uu soo dhammaystay kaadidii haysay iyo arrimihii kale ayuu aabbihii ku soo dhawaaday isaga oo weli farxadii iyo qosol cadayntii aan kala joojin ,markiiba waxa dareemay aabbihii sida u wiilkan yari u faraxsan yahay iyo waji furnaanta ka muuqata oo uunan waligii ku arrag in kasta oo uu –odaygu wiilkiisa aad u jeclaa hadana marnaba kumuu arag farxadan iyo rax mada ka muuqata wiilka yar,ayuu waxa uu odaygu isku dayay in uu dareen siiyo raxmada aabanimo,markaas ayuu ku yiri wiilkiisii,aabbo waxad ogaataa in aad tahay wiilkaygii curud oon jeclahay wax walba oon kuu awoodana waad iga heli,ahmed oo rumaysan waayay waxa odayga ka soo yeeray ayaa kor u eegay,isaga oo layaaban hadaladan naxariista leh oo ay ugu dambaysay markii hooyadii nooleyd.Ahmed oo naxariis indhihiisa ka muuqato ayaa aabihii gacanta ka dhunkaday,isaga oo doonaya in uu hadlo ayaa waxa soo dul istaagay gaarigii.



Gaarigu waxa uu ahaa gaari kor ka furan oo Siisow ah, shiraac yar oo dulduleelana kor ka saaran si dadku  qoraxda iyo roobkaba uga dugaalaan ,gaariga waxa uu ahaa gaari cad hase yeeshee aan loo jeedin cadaan tiisii .waxana qariyay dhiiqo iyo wasaq aad u fara badan daryeel xumo fara badana ka muuqato,Darawalkii wadayna waxa uu u ekaa mid anan lix cisho seexan isaga oo qaad farabadan afka uga buuxo ayuu soo dul is taagay meeshey ku sugayeen,haseyeeshee Ahmed oon waligii gaari raacin uma muuqdaan waxaas oo idil ee waxa u  muuqda isaga oo gaariga xaga sare ka koray kana sareeyay  dunida inteeda kale.

Darawalkii oo rafaad badan ka muuqdo ayaa ku yiri Ahmed aabbihii halkeed qabanaysaan ama u socotaan,markiiba waxa uu ku jawaabay ahmed aabbihii Hargaysa adeer.

Darawalkii oon hadalkii kala joojin ayaa yiri dhinaca shiraacu waa uu buuxaa ee xagga kale ka soo fuula ,lacagtuna waa lix shilin soomali ah laba diinaba.



Odaygii ayaa markiiba booday, oo yiri oo adeer ma shilin ayaa lagu daray sow tii waayahaanaba ahayd shanta shilin oo maalmaba kama soo wareegine .darawalkii oon haddal diyaar u ahayn maanata oo dhana soo murmayay ayaa yiri adeer waa intaa ama bixi ama iskaga dag waqtiga ha iga qaadine ,Ahmed oon dhibsanaya hadalada ay is waydaarsanayaan ayuu aabbihii ka dhex galay oo yiri aabo kor ii qaad aan fuulee ,odaygii oo ka walwalsan lacagtan ka baxday ayaa ku yiri waar bal sug aan lacagta bixiyee ayuu ugu jawaabay wiilkiisii, shilimaad yar yar oo gunti yar ugu jiray ayuu yara faqfaqay kana helay lacag ilaa sideed shilin ah ,waxa uuna is yara waydiiyay naftiisa meesha ay ka soo gashay sideedan shilin ,oo waxan ku ogaa shane xageey iga soo gashay sadexdan kale waaba khayr,markiiba lix kamid ah ayuu dara walkii siiyay isaga oo yara yaaban  .

Markiiba dhiniciii loo tilmaamay ayuu ka soo wareegay ,isaga oo ahmed yare gacanta haya lana hadlaya ayuu ku yiri dhinaca kale ayaan kaa korsiinayaa aaabo,ahmed oo qoslaya rumaysanla aayaa yiri mahadsanid aabo,odaygii oo mahadsanida maqlayn ayaa kor u rujiyay ama u qaaday ahmed kuna yiri qabso halkaa,ahmed oo yara baqaya dhaga nugulna ayaa yiri waayahay aabo, odaygii ayaa markiiba isna dhiniciisa ka soo boday birtina dhinaca kale ka qabsaday ayaa yiri nafariisi hadaba .

Ahmed markiiba aabihii ayuu hoosta ka galay isaga oon rabin in ladareemo khajilaadiisa

Ama baqdinta uu ka baqayo dhaqaajintii gaariga  ayuu si aad ah isugu dhajiyay aabihii.oadaygii markiiba waxay isgarteen nin ka soo horjeeday ooy markiiba iska waraysteen barwaaqada baryahan iyo roobabawga socda oon kala goa lahayn isaga oo ducaynaya ayuu hadaladii la waday ninkii ka soo hor jeeday oo uu ku yiri waa ilaahay mahadii barwaaqadan socotaa.waxa kale oo ninka geesihiisa fadhiyay lix dumar oo daal fara badana ka muuqdo iyaga oo sidta alaabo ay doonayaan in ay ka iibiyaan hargaysa sida cadayada,fandhaallo-

Dhiilo,iyo hargo aad u qurxoon.

Markii uu gaarigii xoogaa socday ayuu ahmed isku dayay in uu dhinac yadiisa eego isaga oo ka eegaya bal in ay wax ciyaal ah saaran yihiin ,hase yeeshee waxa uu arki waayay wax ciyaal ah oo dhiniciisa saaran,qoorta ayuu hadana kor u sii taagay si uu xaga hore u eego  iyadana waxba wuu ka arki wayay xoogaa odayaal iyo dhalinyaro ka buuqaya mooyee ,waxa uu maqlayay ahmed odayaal ku sheekaysanaya afsomali uunan fahmayn kuna saabsan siyaasad  iyo doorasho ka dhacaysa hargaysa sanadaha soo socda..

Markiiba ahmed dhinicii kale ayuu isu rogay si uu u daawado socodka gaariga iyo kaynta ama geedaha uu ka sareeyo quruxdooda isaga oo waliba afkana u dhigaya roob yar yar oo socday macnaha si uu  isku maa weeliyo, waxa una ku heesayay hargaysaay-hargaysaaay-maanta hargaysaaay-farxad hargaysaay.isaga oo heestii wada ayuu ahmed daalkii xalay  ku soo baxay,isaga oon waliba is ogayn oo sidii u heesaya  ayuu waliba  hurdo la dhacay.

Ahmed  Aabihii iyo nimankii iyo waliba dumarkii gaariga la saaraa waxay bilaabeen in ay is waydiiyaan,jiilaalkii sanadkii hore,iyo  dhibaatadii iyo qasaarihii  uu u gaystay.

iyo sida la yeelayo hadii uu jiilaalkaas oo kale yimaado.

Waxa kale oo ay is waydaarsadeen kaftano badan oo ku saabsan xaga heesaha gabayada,si ay isku dhaafiyaan waqtiga.Maadaamaa gaarigu uu aad u gaabinayay jidka oo xun awgiis.

Ninkii ahmed aabihii geeska bidix ka xigay oo loogu yeerayay Xildiid.ayaa waxa uu waydiiyay nimankii kale ,yaa ii sheegi kara gabaygan.





Hadaba waxa ay nimankii is maaweeliyaanba ama waqtiga dilaanba,waxa loo soo dhawaaday ama soo ifay hargaysa muuuqeedii.

                                                      Markiiba ahmed aabihii waxa uu kiciyay inankiisii yaraa ee ahmed,isaga oo og sida wanaagsan oo uu u xiisaynayo in uu daawado magaalada hargaysa.

Aabo ka kac waxan soo gaarnay ama u dhawnahay magaaladii hargaysa ayuu aabihii ku yiri ahmed.Inankii oo silaysaysan ama hurdadii si fiican uga kicin ayaa markiiba aabihii waydiiyay,Hargaysa aaaaaa?.haa aabo waxa nu  u soo dhawaanay ama nimid duleedkii hargaysa,ayuu hadana ku celiyay aabihii.



Ahmed ood moodo  Sagaaro libaax ka hor booday, ayaa markiiba dhinicii wadada isu rogay ama u jeestay si uu u daawado magaalada.Waxay socdaanba waxa loo soo dhawaaday Dooxii Hargaysa,oo biyo badani ka durdurayaan ,saxansaxo udgoona ka ifayso,iyo  waliba shimbiro aad u codmacaan ka dul heesayaan,Balanbaaliso qurxoona ku dul haabayaan,iwm.

Magaalada Hargaysa waxa kala bara Doox aad u wayn.Waxay kale oo leedahay xaafado aad u farabadan,dad aad u farabadana way dagan yihiin magaalada.

Xaafadaha ugu waaweyn waxa ka mid ah oo waqtigaas jiray.Guryosamo-Jigjigayar-Iftin-Newhargaysa-Xeroawr.iyo qaar aan halkan ku soo koobikarin.

Waxay kale oo lahayd jid aad u dheer oo isku xira Gabileey---ilaa Barbara oo caan ah.waxay kale oo lahayd ,Hoteelo ku wii ugu caansanaa waqtigaa sida Baxsane-Oriyantel-Maaweel-

Iyo kuwo kale oo farabadan.

                                           Waxa uu markiiba Ahmed layaabay Dooxii iyo guryihii ka soo horjeeday, iyo qaylada magaalada  ka soo yeeraysa,Gaariyada hadba dhinac isku waydaaranaya,dadkan  hadba dhinac u yaacaya,umadan wada mashquulsan.

Marba marka ka danbaysa gaarigii wuu soo dhawaanayay,buuquna wuu siibadanayay,caruur,ciroole iyo dhalin yaro.

Waxa uu aad ula yaabay dhul iska banaan oo caruur isku eryanayso,oo waliba ay wada eryanayaan Bahal yar oo kuusan,markiiba aabihii ayuu ahmed u soo jeestay isaga oo isku dayaya in uu su aal waydiiyo waxa uuna yiri.Aabo waxan ay caruurtu eryanayaan waa maxay?Odaygii aabihii ayaa si dagan ugu jawaabay inankiisii oo uu yiri aabo waxa layiraa Kubad.Caruurta iyo dhalin yarada ayaa ku ciyaarta ayuu aabihii ugu jawaabay.

Ahamed oon wali fahmin jawaabtaa, ayaa iska aamusay ishana ka daawaday isaga oo yaaban.Ahmed waxa uu ka yimid  Tuulo lix reer ka kooban oo waliba reerna reer la dagin,reerka ugu dhaw waxa loo lugeeyaa  ilaa nusaac.Waxa uuna ku soo koray meel uu kaligii caruur ka joogto.Dad ka uu la kulmaa ama uu sheekadooda maqlaa waxay u badan yihiin dad waa wayn,inta badan kaligii ayaa isla ciyaari jiray ama is ciyaar siin jiray,hadii uu heesayo kaligii ayaa heesi jiray hadii u qoslayana waa kaligii.

Waxa dadku iman jireen guriga ahmed, marka uu aabihii ka soo noqdo magaalada,si dadku u waraystaan waxa magaalada ka socda iyo waxa uu soo arkay ama so  maqlay.

Hadaba Ahmed waxa uu ahaa wiil ku soo koray dadka waawayn oo qura. Hadalada uu ku hadlaa waa hadallo aad u waa wayn  sida uu u dhagaystaana waa sida dadka waawayn ,waxa uu waliba ku darsaday dhago nugul,naxariis iyo ixtiraam ,iyo xaq dhoowr sida dadka waawayn loo xaq dhowro.

                                        Ahmed oo aad u faraxsan ood indhihiisa moodo Abeeso,sagaaro ku margatay,kuna heesaya heesihii miyiga uu ku yiqiinay farxad awgeed ayaa hargaysa gudeheedii soo galay.Inkastoo qaar rakaabkii ka mid ah ay qaylo la fadhin waayeen ,waxay doonayeen in lagu dajiyo Dooxa agtiisa qaarna  Xeroawr,waar halkan nagu daji-waar halkaa-nagu daji-waar sidan ma aha iwm.Hase yeeshee Darawlkii wuu ka diiday oo yiri meel qura ayaan idinku dajin, oon istaagayaa.Waxa qura oon istaagayaa Hottel Oriyanlka hortiisa.

Hottelkaas ayaa darawaliinta lacag siiya si uu dadka uu wado halkan u gu dajiyo,si iyagana wax looga cuno xaga cuntada ama hurdada..



Markiiba rakaabkii ayaa alaabohoodii lakala booday ,ragii waxay caawiyeen haweenkii oo alaabtoodii la kala guray,sida ay caada du tahay ragu aad ayay u caawiyaan marka ay arimahan oo kale tahay.Dumar walbana alaabtoodii ayay tirsadeen iyaga oo faraxsana way ka dhaqaajiyeen meesha. Ahmedna markiiba aabihii ayaa soo xambaarsaday,isga oon wali is ogayn halka uu marayo ayaa dhulka la keenay isaga oo sii daawanaya ama eegaya  dacalada guryaha iyo jaqafyada guryaha korkooda,iyo dadkan marba dhinac u boodaya,qaar gaari gacan jiidaya oo ku shaqaysanaya ,Dumar iyo caruur shaah iyo nac nac yar meel ku iibinaya,tagaasi yar yar oo isku midab ah oo saf loogu jiro,dad soo dagaya ,dad sii dhoofaya ,qaar wax ruugaya,qaar qaylinaya ,ciyaal dhar isku midab ah xiran oo gacmaha wax ku sita,ciiyaal kale oo meel ku dagaalamaya ,kana duwan ku wan dharka isku midka ah xiran,siigo aad u fara badan,dhawaaq iyo qaylo yaab leh,cuntooyin kala duwan,innta badana uu waligii arag sida,cambelaf,saytuun,xabxabama qare,liin macaan iwm.

Hadaba Ahmed oo wali sidii u eegaya oo in dhihii dheeraadeen ayuu aabihii ku yiri waar ahmed aabbo miyaadan i maqlayn maanta oo dhan ayaan kuu yeerayay maxaa ku helay ,ina mari aan wax yar yara cunee,miyadan gaajeesnayn,Ahmed oo wali sidii u aamusan ayaa- gacanta qabsaday aabihii  una ka xeeyay  tukaan- ka soo horjeeday oo uu lahaa nin ay saaxiib yihiin oo la oran jiray Mulac si ay qoraxda uga yara nastaan biyo qabawna uga cabaan inta-

aynan wax ba cunin.

Tukaan ka waxa yaalay sheeyo ama wax uunan waligii arag ahmed sida ,shaamboo,saabuuno kala duwan tuwaalo ama shukumaan,bastoolado ciyaal,nacnac fara badan oo kala duwan iyo caano niido oo uu ku sawiran yahay wiil yar, cabitaan farabadan oo sawiro qurxoon leh radio yar yar qaarna ay shidan yihiin heeso wanaagsana ka socdaan  oo uu wali gii maqal sida—

Hadaba isga oo sidii ahmed indhaha u taagaya ayuu waxa uu maqlay salaan ay isa salaamayaan abihii iyo odaygii tukaanka lahaa ee Mulac oo leh .Asalaamu calaykum  Saxiibkay Sulub,iyo wacalaykum wasalaam saxiibkeey Mulac,oo soo dhakhsan ogidaa  ayuu markiiba Mulac ku yiri Ahmed aabbihii oo la oran jiray Sulub. Markiiba isna hadalkii ayuu ka dhex galay oo uu ku yiri Sulub, haa saxiib,waxaa naga yara go-ay Bariiskii iyo Sokortii,waxa kale oo soo dhow sidaad ula socotidba Iidii,oon isna  soo kaxeeyay inankaygii Ahmed oon doonayo sanadkan in aan dhar u soo iibiyo ayuu odaygii hadalkii ku soo gabagabeeyay.

Mulac oon Ahmed arkaynin markii hore ayaa yiri,maansha-alaa, ma inankaagiiba wiilkan yari

Sowkan durbaba koray,sow shalay ma ahayn markuu dhalanayay, ayuu odaygii Mulac hadalkii ku sii daray.

Ahmed oon hadalada inta badan dhagta aan u dhigayn oo ku maqan daawashada tukaanka ayaa yara dhoolo cadeeyay isaga oo xishood ka muuqdo wajigiisu, ayaa waxa uu u dhaqaaqay dhinici odaygii adeerkiis taagnaa si uu u salaamo. Isga oo hadaba ixtiraam iyo bashaash ka muuqdo wajigiisii ayuu yiri asalaamu-calaykum adeer. Odaygii  adeerkii ahaa in ta uu aad u la yaabay wiilkan yar ixtiraamkiisa ayuu markiiba kor u rujiyay ama u qaaday si uu uga bi-iyo khajilaada,kuna yiri kaalay adeer  aan biyo qabaw talaagada idinkaga soo saaree.



Si kastaba arintu ha-a haatee biyo hoodii qaboobaa ayay iska cabeen, Ahmedna aad ayuu uga helay biyihii macaanaa ,odayaashiina meeshii ayay ku kaftameen ,iyaga oo isa sii maca salaameeynaya ayuu odaygii Mulac yiri nasoo mara Ciida hadii aad joogtaan si aad noola- qadaysaan ,isaga oo hadalkii sii wada  ayuu hadana yiri oo waliba Caruurtu ha is bartaane.

Ahmed oo markii caruurta uu maqlay aad u farxay oo yiri aabbo noogee aan lacayaaree,waxa ku kalifay in uu sidaas u soo boodana isaga oon ku soo dhex korin caruurta uu lacayaarayna ay aad u tirsanayd,ayuu wuxuu xiisaynayay bal caruuta magaalada dagani sida ay u ciyaaraan.

Odaygii Ahmed aabbihii ee Sulub ayaa markiiba hadalkii la wareegay oo yiri in kastoo waqtigu iska yar yahay hadana waa iman doonaa ,waana wax loo baahan yahay in caruurtu isbartaan,khayrna waan isku ognahay ee waanu sii socon doonaa ee nabaday.Mulac oo isna markiiba ay soo galeen dad tukaanka wax ka iib sanayay ayaa yiri nabaday saxiib waanan idin sugayaa haduu ala-yiraa.
Qaybta 2baad La Soco.

Thursday, March 31, 2016

Qaybta 1waad.

Sideen uga fekernaa in aynan na gu dhicin dhibta Somalida haysata.

Akhristoow waxaa hadalkaa yiri  urur massalayay shacabweeynaha Eritreya ee ku nool magaalada Oslo.

Bishu waxay ahayd Oktobar 9keedii sanadkii 2010kii, ayaan waxaan tareen soo wada raacnay nin aan daris nahay oo assal-ahaan ka so jeeda wadanka Eritreya . Ninkaa magaciisa waxaa la yiraahdaa  Mengisteab.
Saxiibkay Mengisteab  salaan aan isdhaafsanay ka dib waxa uu ii sheegay in uu u socdo shir looga xaajoonayo dhibaatada guryo la-aanta magaalada Oslo, iyo cawaaqib xumada guur guuritaanka faraha badan ee  haysata  dhalaanka asalkoodu  ka soo jeedo Eritrea.

Suaashii ugu horaysay een waydiiyay saxiibkay Mengisteab ayaa ahayd  maxay dhib leedahay hadaad meel ka guurto, meelna u guurto?.
Saxiibkay waxa uu  iigu jawaabay in guuritaanka faraha badani uu dhib wayn u keenay dhalaankii. Marka caruurtu meel dagto, waxay yeeshaan saxiibo cusub, waxay tagaan school cusub, tukaamo cusub, dhamaan bayàdda iyo deegaankuba wuu ku cusubyahay.
Hadii hadaba buu yiri saaxiibkay,  marka ay caruurtaasi la qabsadaan deegaankaa- cusub oo aad hadana ka rarto sanad ka dib, waxaa halkaa ka bilaabmaya jahwareer iyo laqabsi la-àan  beeyàdd cusub, iyo barasho cusub oo hor leh.
Maadaamaa hadaba ay dhibaatadaas oo kale ay nahayso ayaan saxiibkay ka codsaday bal in aan raaco , si aan wax uga soo ogaado shirkaas.

Afkiibaa juuqda gabay.

Goobtii uu shirku ka bilaabmayay ayaanu soo galnay, waxaa shirkaa lagu casuumay ilaa 40tameeyo qof, waxaa goobta nooga soo horeeyay ilaa iyo 25 qofood oo isugu jiray rag iyo dumar.
Waxay indhahaygu qabanayeen dumar xijaaban iyo kuwo aan xijaabnayn.
Hadaba intii aan indhaha la raacayay goobta iyo dadweeynaha fadhiya  oo aan anigu ka ahay  marti ku soo dul dhacday meel  aan aff iyo dhaqanba aan kala duwanahay, ayaa waxay indhahaygu qabteen  meel ay ku qorantahay magaca Somalia.

Waxaan  jaleecay ninkii saxiibkay oo si weeyn u mashquulsan, isagoo waraaqo  kala rogaya, si uu u diyaariyo furitaanka iyo mawduuca  shirka.

Nin hadaba i ag fadhiyay ayaan salaamay oon ku iri galab wanaagsan, ninkaasi waxaa uu afkooda iigu soo celiyay galabwanaagsan, isagoo u qaatay in aan ahay nin Eritrea assal ahaan u dhashay.
Ninkaa agtayda fadhiyay markaan u sheegay in aanan ahayn Eritrea, runtii wuu yaabay oo muu filayn, maxaa yeelay hadalka  meesha ku qoran looguma talagalin nin aan Eritrea ahayni in uu akhristo.

Ninkaasi waxa uu i waydiiyay bal in aan la socdo  goobtan waxa looga hadlayo iyo ujeedada shirkan. Waxaan ku iri haa, oo waxaa looga hadlayaa  dhibaatada guryaha Oslo ayaan ugu  jawaabay.
Ninkii waxa uu ii sheegay  dhibaatada ugu wayn ee laga hadlayo maanta waa Sideen uga fekernaa in aynan na gu dhicin dhibta Somalida ka  haysata xaga guryaha.

Intuunan shirkii bilaabmin ayuu ninkii  sheeko dheer ii galay oo uu igu yiri halkan waxaa fadhiya Muslim Eritrea ah, Christian Eritrea iyo qaar aan waxbaba aaminsanayn.
Waxaa fadhiya ayuu igu yiri dad assalkoodu ka soo jeeda Tigre, Cafar, Carab,Saho , Bilan, Beja, Nara iyo Rashida ,intaasoo qoowmiyadoodna qaarbadan kala aff iyo lahjado kala duwan ayaanu nahay ayuu hadalkiisii ku sii daray.

Waxa uu ninkii hadalkiisii ii raaciyay in ay halkan danta qowmiyada Eritrea u fadhiyaan, umaynaan iman buu yiri in aan halkan ka wada hadalno siyaasad, maxaa yeelay siyaasada waanu ku kala afkaar duwanahay, oo iskumawada raacsanin waxa Eritrea ka socda, lakiin buu yiri waxaanu isku raacsanahay danta guud ee qowmiyada Eritrea ee dalkan Norway.
Waxaa kaloo uu ii sii raaciyay waanu ognahay in aad idinku kala qaybsantihiin hadii aad Somaali tihiin,  oo waliba wax aad isku raacsantihiin haba yaraatee aanay jirin. Haday noqon lahayd buu yiri siyaasada, arimaha bulshada, diinta, iwm, xataa ciyaarahaba ku daroo ayuu hadalkiisii ku soo koobay.
Runtii waan yaabay, waan amankaagay, waxaan is iri xaguu kaala diriray ismaba garanaysaane.'

Qaybta 2baad filo  mar dhow.

Mahad Abdule